FAA'IDADA WAQTIGA IYO INAAD JADWAL SAMEESATO


 


faa'idada waqtiga

KA FAA’IDEYSO  WAQTIGAADA

Hagaag dhamanteen waa ka siman nahay in aan wada helno 24saac balse waxaa kala duwan sida aan  uga faa’ideysano Waqtiga ayaa nolosha ka joogo meel muhiim ah runtii hal maalin uu kugu dhaafso si fudud dibna kuguma soo laabaneyso haddii aad la sheekeysato dadka da’da ah xaqiiqdi waxa ay kuu  sheegayan in ay jeclaan lahaayeen waqtigoodi 20jir in halmar uun lee loogu celiyo si ay uga faa’ideystaan waqtigii ka dayacmay balse waa wax aanan dhaceyn Sidaas darteed dhalinyarada ayay inta badan ku  waaniyaan in ay kafa’idestan waqtigooda ay wax bartaan shaqeystaan hormarna gaaraan Wali mala  sheekeysatay qof da’ah? Shaqo maanta u baahan in la qabto dibna ha ugu dhigin beri si aad u qabato. Shaqo walba waqtigeeda saxda ah ku qabo si aysan kuu dhaafin fursada aad heysato isla waqtigaas.

WAQTIGAAGA  HA DAYACIN

Maalin walba ee ku soo marta waxaad heysataa 24saac Bal kawaran haddi ay kugu dhaaFo adiga oo  aadan waxba ku qabsan maalintaas ay sidaa kugu dhaaFo? Maxaa dareeMI laheed sidoo kale ma ahan  wax hal maalin ku eg maalin walba inta aad nooshahay sidaas ayay kuugu imaaneysa kaagana tageysaa  Qaar waxbarasho ayay uga baxdaa 12saac waxaa u soo hartay 12saac kale laga yaabe caadiyan in maalin walba, 12 saac kaliya kafaa’ideystaan dadka waxbarto balse soo macquul maahin malintaas kadib in uu qofka shaqo galo waa ay fiican tahay qofkaas ayaa dhihi, karnaa waqqtigiisa sida saxda ah uga faa’idestay Qaar naga mid ah ayaa ayaga shaqeyo maalintii 8saac Marka laga jaro 24saac 8saac waxaa soo hareyso, 16saac haddi aan kasii jarno 8saac oo hurda ah waxaa soo hareyso 8saac kale Intaasna waxaa u qeybin karnaa waqtiyada aan cibaadeysano sidoo kalana aan wax ku conno.

SAMEESO  JADWAL  KU HAGA

In aad sameysato jadwal ku hago noloshada waxay hormar weyn ka gaarsiin kartaa in aad ku guuleysato hadafyadaada aan ku su’aalee jadwal ku hago maleedahay oo aad ku dabaqdo maalintaada? Haddi aadan laheyn oo ay iskaa dhax yaacsan yihiin runtii waxaa u baahantahay in aad sameysato, jadwal guud si aad uga faa’ideysato waqtigaada qaaliga ah Caadiyan shirkadaha iyo dadka hormary waxa ay leeyihiin jadwal u gaar ah ay kula socdaan waxa ay qabanayaan Runtii iskama qabtaan wax walba balse waxa hagayo jadwalka ay dajisten Sidaas darteed qof walba waxaa muhiim ah in uu  diyaarsado howlaha uu qaban lahaa iyo waqtiga oo ku qaban lahaa si ay meesha uga baxdo dayacaada  waqtiga wax soo saarkana u bato Shaqo walba oo la nidaamiyo loona yeelo jadwal waa mid mira dhasho oo natiijada kasoo baxda aad loogu riyaaqo Noloshaada marwalba ku nidaami jadwal ku haga In aad jadwal sameysato waxay aad kaaga caawineysaa in aad wax soo saar badan la haato.

FAA’IDADA  INAAD  JADWAL  SAMESATO

Dhamaan inta guuleystayasha badankooda waa kuwa leh jadwal haga talaab walba ay qaadayaan  tusaale mar walba waxa ay tixraac ka qaataan waxa u qoran jadwalka oo aanan siinin ogolaasho fasax  dalxiis iskama aadi karaan sababta oo ah waxaa halmar dayac maayo howlo badan sidaas darteed wax  walba oo ay sameynayaan waa u qoran yihiin si aysan uga lumin ilbiriqsi waqtiah Haddi aadan laheen jadwal waxaa kugula talinaa in aad maanta sameysato kuna dabaqdo naftaada si aad u yareyso waqtiga  badan ee kaa lumaayo ugana faa’ideysato habka wanaagsan inta badan dadka soomaaliyeed uma qorna  mana lahan jadwal taasina waa sababta aan u dayacno waqtigeena Haddi uu qofka leeyahay jadwal haga marnaba lagama yaabo in uu kulumiyo waqtigiisa banaananka iyo maalayacni iyo goobaha  ciyaaraha iwm.

GABAGABO 

Hadaad y baahantahay inaad xogo faa'ido leh hesho ku soo biir talegaramka hoose sidoo kale aqriso xogtaan muhimka ah si aad u hesho guji 👉 (click)



Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post