KA FAA’IDEYSO WAQTIGAADA
Hagaag dhamanteen waa ka siman nahay in aan wada helno
24saac balse waxaa kala duwan sida aan
uga faa’ideysano Waqtiga ayaa nolosha ka joogo meel muhiim
ah runtii
hal maalin uu kugu dhaafso si fudud dibna kuguma soo laabaneyso haddii aad la
sheekeysato dadka da’da ah xaqiiqdi waxa ay kuu sheegayan in ay jeclaan lahaayeen waqtigoodi
20jir in halmar uun lee loogu celiyo si ay uga faa’ideystaan waqtigii
ka dayacmay balse waa wax aanan dhaceyn Sidaas darteed dhalinyarada ayay inta
badan ku waaniyaan in ay kafa’idestan
waqtigooda
ay wax bartaan shaqeystaan hormarna gaaraan Wali mala sheekeysatay qof da’ah? Shaqo maanta u baahan
in la qabto dibna ha ugu dhigin beri si aad u qabato. Shaqo walba waqtigeeda
saxda ah ku qabo si aysan kuu dhaafin fursada aad heysato isla waqtigaas.
WAQTIGAAGA HA DAYACIN
Maalin walba ee ku soo marta waxaad heysataa 24saac Bal kawaran
haddi ay kugu dhaaFo adiga oo aadan
waxba ku qabsan maalintaas ay sidaa kugu dhaaFo? Maxaa dareeMI laheed sidoo
kale ma ahan wax hal maalin ku eg maalin
walba inta aad nooshahay sidaas ayay kuugu imaaneysa kaagana tageysaa Qaar waxbarasho ayay uga baxdaa 12saac waxaa
u soo hartay 12saac kale laga yaabe caadiyan in maalin walba, 12 saac kaliya
kafaa’ideystaan dadka waxbarto balse soo macquul maahin malintaas kadib in uu qofka
shaqo galo waa ay fiican tahay qofkaas ayaa dhihi, karnaa waqqtigiisa
sida saxda ah uga faa’idestay Qaar naga mid ah ayaa ayaga shaqeyo maalintii 8saac Marka laga jaro 24saac
8saac waxaa soo hareyso, 16saac haddi aan kasii jarno 8saac oo hurda ah waxaa
soo hareyso 8saac kale Intaasna waxaa u qeybin karnaa waqtiyada
aan cibaadeysano sidoo kalana aan wax ku conno.
SAMEESO JADWAL KU
HAGA
In aad
sameysato jadwal ku hago noloshada waxay hormar weyn ka gaarsiin kartaa in aad
ku guuleysato hadafyadaada aan ku su’aalee jadwal ku hago maleedahay oo aad ku
dabaqdo maalintaada? Haddi aadan laheyn oo ay iskaa dhax yaacsan yihiin runtii
waxaa u baahantahay in aad sameysato, jadwal guud si aad uga faa’ideysato waqtigaada qaaliga ah Caadiyan shirkadaha iyo dadka hormary waxa
ay leeyihiin jadwal u gaar ah ay kula socdaan waxa ay qabanayaan Runtii iskama qabtaan wax walba balse waxa hagayo jadwalka ay
dajisten Sidaas darteed qof walba waxaa muhiim ah in uu diyaarsado howlaha uu qaban lahaa iyo waqtiga oo ku qaban lahaa si ay meesha uga baxdo dayacaada waqtiga wax soo saarkana u bato Shaqo
walba oo la nidaamiyo loona yeelo jadwal waa mid mira dhasho oo natiijada kasoo baxda aad loogu riyaaqo
Noloshaada marwalba ku nidaami jadwal ku haga In aad jadwal sameysato waxay aad
kaaga caawineysaa in aad wax soo saar badan la haato.
FAA’IDADA INAAD JADWAL SAMESATO
Dhamaan inta guuleystayasha badankooda waa kuwa leh jadwal
haga talaab walba ay qaadayaan tusaale
mar walba waxa ay tixraac ka qaataan waxa u qoran jadwalka oo aanan siinin
ogolaasho fasax dalxiis iskama aadi karaan
sababta oo ah waxaa halmar dayac maayo howlo badan sidaas darteed wax walba oo ay sameynayaan waa u qoran yihiin si
aysan uga lumin ilbiriqsi waqtiah Haddi aadan laheen jadwal waxaa
kugula talinaa in aad maanta sameysato kuna dabaqdo naftaada si aad u yareyso waqtiga badan ee kaa lumaayo ugana faa’ideysato habka
wanaagsan inta badan dadka soomaaliyeed uma qorna mana lahan jadwal taasina waa sababta aan u
dayacno waqtigeena Haddi
uu qofka
leeyahay jadwal haga marnaba lagama yaabo in uu kulumiyo waqtigiisa
banaananka iyo maalayacni iyo goobaha
ciyaaraha iwm.
Hadaad y baahantahay inaad xogo faa'ido leh hesho ku soo biir talegaramka hoose sidoo kale aqriso xogtaan muhimka ah si aad u hesho guji 👉 (click)

إرسال تعليق