CAQLIGA SOO JEEDA (Conscious Mind)
Caqliga soo jeedaa waxa uu qaabilsan yahay fikirrada maangalka ah ee maskaxdaada ka dhex guuxaya, waa qaybta awoodda u leh in ay xaaladaha uga fikirto hanaan macquul ah, falanqaysa sidoo kalena aad ku gaadho go’aanno xaqiiqada ku salaysan.
Astaamaha ugu muhiimsan caqliga soo jeeda waxa ka mid ah in ay tahay qaybta xakamaysa fikirrada kugu soo dhacaya iyo shaqadooda. Tusaale ahaan, immika waxa aad kor u qaadda gacantaada bidix, taasi waa shaqo uu qabtay oo uu maamulay caqligaaga soo jeedaa.
Sidoo kale marka aad
qiimayso khaladaadkii aad samaysay tagtadaadii ee aad wax ka barato, waxa aad
ka shaqaysiinaysaa qaybta caqligaaga ee soo jeedda. Waqtiga aad dejinayso hadaf
mustaqbalka ay tahay in aad gaadho, waa tusaale kale oo ku tusinaya in qaybta
aad ku fikiraysaa ay tahay qaybta caqligaaga ee soo jeedda.
Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in aad maqasho qof odhanaya “ Waxa aan gaadhay go’aan macquul ah” tani waa awoodda caqliga soo jeeda. Waxa uu in siiyaa awoodda aynu ku danayno xaaladda, ku qiimayno xaqiiqooyinka, ku falanqayno khataraha ee aynu ku go’aansanno in waxa aynu aaminsan yahay uu yahay waxa ugu wanaagsan. Sidoo kale waxa uu ina siiyaa awoodda aynu meel iskugu keenno qorshe aynu ka fikirnay si aynu u fulino oo tallaabo u qaadno.
Sida uu cajiibka u
yahay caqliga soo jeedaa, waxa kale oo uu leeyahay xad uu ku joogo oo aanu
dhaafi karin. Waxa uu leeyahay caqliga soo jeedaa xusuus kooban, tusaale side
ayaa ay u dhacdaa in aad ilowdo qof aad garanayso magaciisa ama furayaashaad
sidataya halkii aad dhigtay? Tani waxa ay tusaale u tahay xusuusta kooban ee
caqliga soo jeeda.
Xadadka kale ee caqliga soo jeedaa waxa ka mid ah in uu
qaban karayo hawl kaliya oo aanu shaqo labaad qaban karin, tusaale ahaan adiga
oo wax akhriyaya haddii uu qof kula hadlo, waa in aad akhriska sii wadato ama
aad joojiso oo aad hadalka dhagaysato kana jawaabto. Macquul maaha in aad laba
shaqo mar kaliya ay wada qabato qaybtan maskaxda ee soo jeedda Ah.
Kalmaddan (Soo jeeda- Concious)
waxa ay ka turjumaysa in aanu caqliga soo jeeda qaban karin hawl aanu diiradda
saarin ama aanu u soo jeedin waqtina aanu galin. Waana doorka uu qaadanayo
caqliga dahsooni. Aynu giijisanno suunka si aynu ugu gudubno qaybta labaad ee
ah Caqliga Dahsoon!.
gabagabo
Waxaan rajeena inaad fahantay caqliga soo jeedo iyo siduu u
shaqeeyo sido kale waxaan rabaaa inaa kaso diyaariyo xog muhiim ah CAQLIGA DAHSOON (The Subconcious Mind) ,3 maalin kabacdi ayaan rajena ina inaa
soo diyariyo xogta caqliga daahson asaga ayaa aad y mihiim ah inaad fahanto,
kusoo biir telegram keena adoo mahadsan tt.hanasho


إرسال تعليق