·
SOMALIYA SIDEY AHEYD 1943-1954 !
Dadka soomalida ah
waxey u badankood ahaayen dad xoolo
dhaqato ah iyo beeraleey waqtigaas oo dunidu inta badan gumeysi ka jiray ayna
yaraayeen wax xor ah somaliduna umadahaas ayeey wax la mid ahaayen waxeyna u
kala qeybsaneed 5qeybood, bariga iyo kooonfurta iyo bartamaha talyani ayaa
heystey, waqooyiga ingiriis ayaa heystey, jabuuti faransiis ayaa heystey
koonfur galbeed Kenya ayaa heysatay, soomali galbeed itoobiya ayaa heysatey
hadana waxey ahaayeen
dad iska war haya inkastoo isgaarsiinta maanta jirta aysan jirin hadana niyad
wanaag iyo wadaninimo ayaa jirtey iyo is jaceeyl waxeeyna lahaayeen hal hadaf
oo ah siddee ayaad oga baxdaan gumeeysigaan iyadoo taariikhdan aan soo qaatey
ay ka horeeyeen halgano hadana mudada aan soo qaatey 1943 waxaad moodaa in uu sii xoogsadey isku xirka gobolada
soomaliya oo dhan iyo nidaam xisbi ah in uu biloowdey,
Is Ku Xirnashaha
Umada Somaliyed
is ku xirnashahas waxaa suura geliyey somalida oo aheyd dad
wada muslim ah iyo iyda oo ay soo baxeen culimo badan oo meel walba gaarsiiyey
diinta islaamka dadkuna iyagaa hiil iyo hoo ku kalmeyn jiray culimada si ey
awlaadoda u baraan diinta islaamka, deegaan ama tuulo waliba dadka degan iyaga
is ku xilqami jirey sameysan jirey misaajid ama mowlac ay ku tukadaan iyo dugsi
quraan oo awlaadoda lagu baro quraanka mana aheyn mid la isku riixriixo laakiin
qof waliba awoodiisa ayuu bixin jirey
taasi waxey keentey
in culimaa u diinku meeshey tagaan laga soo dhoweeyo xoolo la siiyo taasina
waxay ku helen jaceeylka loo qabo diinta islaamka taasina waxey ka sii qeyb
qaadatay isku xirka soomaalida meel kasta ooy joogaan, markii ay taariikhdu
aheyd 1943 waxaa Biloowdey dhaq
dhaqaaq xoriyad doon ah oo ku saleysan
nidaam xisbi ah, waxaana is urursadey dhalinyaro yaryar oo si qarsoodi ah ku
bilaabey xisbi ay ugu magacdaren S.Y.L.
ama (LEGO)
Tariikhda soomliya marwalba oo la xuso dhalinyaradii [SYL] waxay ka yahiin hormuud waayo
waxa ay ahaayeen furahii xornimada ummmada somaaliyeed, dhalinyaradi xisbiga syl
ee ummada somaaliyeed u halagmay waxay ka koobanaayeen oo madax u ahaa xisbiga 13 xubin,
1. Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Daahir Xaaji Cusmaan
3. Cali Xasan Maxamuud
4. Siidii Xirsi Nuur
5. Maxamed Cali Nuur
6. Maxamed Faarax Hilowle
7. Cusmaan Geedi Raage
8. Dheere Xaaji Dheere
9. Maxamed Cusmaan Baarba
10. Huudow Macallin Cabdulle
11. Xaaji Maxamed Xuseen
12. Cabdulqaadir Saqaawediin
13. Xaajji Maxamed Cabdullaahi
(Xayeesi)
Sidaan horey usoo sheegay S.Y.L oo keli ah ma aheyn dadkii uso halgamay xoriyada ummada
somaaliyeed oo halagano ka horreeyay ayaa jiray sida, halagankii siyad muxammed
cabdulle xasan & halagankii axmed
gurey, waxaa sido kale iyana xusid mudan xiligii S.Y.L dadki iyaguna halganka ku jiray sida xisbigii dhalinyarada
somaaliyeed ee laga aasasay waqooyiga [SNL]
kaas oo isna la mabd'a ahaa S.Y.L,
Waxa iyagana xusid mudan gabdhihii soomaliyeed ee halaganka ka qeyb galay oo
dhinac u kula jirey dhalinyaradii halganka .
Doorga Gabdhaha Somaaliyed
!
gabdhaha soomliyeed
sida ay tariikhdu xustay waxay ahayeen udub dhaxaadka hawalaha dhaqdhaqaaqa
xoriyad doonka dhaqajin (kicin) jirey mar marka qaarne meelaha halista ah raga
qaarkiis oga horeyn jirey, waxay ahayeen gabdhaha soomliyeed ee xiligaas
halganka ka qeybgalay kuwa geesinimo iyo deeqsinimo intaba u hura ummadooda,
waqtiyada qaarkood oo dhalinyaradu u baahato kaalmeyn waxa ay iibin gadi jireen
dahabkooda si ay u garab istagen halganka hiil iyo hooba , sido kale sida raga
ayey iyagoo halgamaya dhiman jireen oo xaawo
taako ayaa ka marag ah allaha u naxariistee, Dhalinyaradii horseeday
xoryiada ay ummada somaaliyeed qadatay 1960
si ay tusalee wanaagsan oga qaateen dhalinyarada maanta & kuwa birito
waxa is weydiin mudan, maxay ku muteen guulahaa ay u so hoyeen ummadooda?
Guulo Badan Ayey [SYL] gaartay
Guulo badan ayey SYL gaartay waqtigii ay halganka ku jireen
balse waxaa ugu cad cad oo maanta dhalinyarada joogta ay kaga dayen karaan oo
tusaale ugu dhigan karaan waa sidii fududeyd ee ay hadaf kooda ku salaysanaa wadinyada iyo midnimada ugu dhex
faaafiyeen ummada somaaliyeed kadibna ay taanasul u sameyen walalahooda kale, Ogow
dhalinyaradaas dalkooda & dadkooda u halgmay si ay oga xoreyen Gumaysiga
inta badan aqoon sare ma laheyn kuwa kamid ahna waxba ma qori jiren waxna am
akhrin jirin!
Maanta dhalinyaro badan oo soomaliyeed oo aqoon heer sare
leh ayaa jira xaaladuna waa ay ka daran tahay tii hore, Xisbigaan markii ugu
horeysey wuxuu ka biloowdey magaalada muqdisho waxeyna ku kulmi jireen guri
yar, asaasayaashii waxey ahaayeen toban iyo sadax (13)
dhalinyaro ah, waqti yar kadibna (LEGO)
waxey gaartey soomaliya oo dhan iyo gudaha itoobiya dhulka soomalidu leedahey
dadku waxey bilaabeen dhaqdhaqaaq gobanimo doonka dadkana niyadoodu aad bey u
kacdey waxeyna diyaar u ahaayeen dhimasho,
5-OCT-1949-kii MAXA DHACAY
waxaa dhacdey ha noolato ama dhagax tuurkii oo dad badan oo
soomaliyeed ay ka qeyb qaateen waxaana kale oo dadka niyada u sii dhisey markii
laga soo laabtey dagaalkii 2aad ee dunida oo dhamaadey 1945, markaas oo dad askar u ahaa gumeystaha ay dalka ku soo
noqdeen iyagoo wata khibrad iyo waayo aragnimo markaas ayaa kuwii wadaninimo ku
jirtey dadkooda la shaqeyeen una faaideyeen. Xisbigii LEGO wuu sii awoodeystay waxaana laga furey soomaliya oo dhan dad tiro
badan ayaa ku ka midnoqday dadna waxa ay la shaqeen jireen cadawga waana leyska
ilaalin jirey, weligood wee jireen kuwa cadawga lashaqesta ilaa hadana wee
jiraan laakiin meel ma gaarayaan
wadaniga ayaa guuleysanaya ugu dambeysta.
Waxey socotoba waxaa soo dhowaatey xukun hoosaad loo
ogolaado soomalida markaas oo la arkey in dadkaas wax fahmeen laguna sii wadi
karin gumeysi laakiin la gaarsiiyo xoriyo waxna la baro, waxaa jirey booliis la
asaasey 1950 kaas oo u shaqeynayey
gumeysiga laakiin markii la heley xukun hoosaad wuxuu noqdey booliis
somaliyeed, waxaana 14kii oct 1954tii
la saarey calan Somali ah.


إرسال تعليق