Waa Maxay Faa'idada Wax Aqriska

 

faa'idada wax aqriska





Hordhac

adika cunto la'aan manolankartid baaburka shidaal la'aan ma socon karo sido kale dadka lacag la'aan ma shaqekaran sidaas darteed maskaxda qofka bini aadamka waxaa jira wax ay ubaahan tahay si mid caqli leh iyo xikmad leh unaqoto oona fahansan nolasha, qormadan maanta waxaa ku lafa gurenaa wax aqriska ku soo dhawaaw maqaalka.


WAX-AKHRISKU: WAA FURAHA GUUSHA

Alle weyne waxa uu yidhi “ Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga) (1), Dadkana ka abuuray calaq (2), akhri Eebbena waa kan sharafta lehe (3), ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro (4), dadkana baray wax ayna aqoonin (5).

 Aayadahan Quraanka ahi waxa ay ka mid yihiin Suurada (Al-Calaq) oo ah suuradii ugu horay ee kusoo degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuradani waxa aan ka dhex arki karnaa in furaha guushu yahay wax akhris. Wax akhrisku waxa uu qofka barayaa wax uusan aqoonin, dunida maanta waxa lagu tartamayaa waa aqoon. Aqoontuna waa in qof ama dad garanayaan wax aysan kuwa kale aqoonin.

Dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan diin, midab, dhaqan iyo deegaan isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku guulaysteen kala duwan yihiin- mid ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u guulaysta waxaa jira hal wax oo ay dhammantood ka siman yihiin waana wax akhriska. Og Mandino waa nin aad u caan ah oo ahaan jiray askari duuliye Maraykan ah oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu duqaymo ka geystay Jarmalka. Markii uu dagaalku dhamaaday waxa uu ku biiray addeegyada caymiska. Mandino waa ku fashilmay.

 Subax ka mid ah maalmahaas waxa uu go’aansaday in uu is dilo, isaga oo ku socda meeshii uu isku dili lahaa ayuu arkay maktabad wax akhris waa uu galay, ka dib waxa uu akhriyay buugta dhiirigelinta gaar ahaan buuga uu qoray Napolean Hill ee la yidhaa “Think and grow rich”, maalintaa ka dib waxa uu sii waday wax-akhriskii oo ka hakiyay in uu is dilo. Waxa uu qoray buug badan oo uu ugu caansan yahay “The worlds greatest salesman” oo laga daabacay in ka badan 50 malyuun oo lagu turjumay in ka badan 25 luuqadood. Waxa aan ka baran karnaa in wax akhrisku kaa saari karo cidhiidhi kasta oo aad nolosha ka dareemayso cagtana kuu saari karo wadada guusha.

Waa maxay faa’iidooyinka akhrisku?

faaa'idada wax aqriska


Faa’idada 1aad: Akhrisku wuxuu maskaxda ka daweeyaa dhibaatooyinka In aad maskaxdaada geliso buug badan oo aad akhrido waxay dareenkaaga siinaysaa in maskaxdu ka fogaato dhibaatooyinka kale ee ku xeeran isla markaana diirada saarto waxyaabaha kale ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta. Akhrisku wuxuu ku tusayaa dhaqano badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogayn inay jiraanba. Wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto ama aad u qabato wax aad u malayn jirtay in aan la samayn karin ama la gaari karin. Murti ayaa waxay leedahay “Qofka aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan wax akhrin karin” waxaa yidhi Mark Twain.

Faa’idada 2aad: Wax akhrisku waxa uu quudiya maskaxda Maskaxdeenu waa wax aad u awood badan hadba inta xog la geliyo ayay soo saartaa. Xubin kaste oo ka mid ah jidhka bini Aadamka ah waxay ubaahan tahay in shaqo loo diro. Calooshu waxay u baahan tahay cunno lagu quudiyo, jidhku wuxuu u baahan yahay jimicsi lagu quudiyo sidoo kale maskaxdu waxay u baahan tahay quudin taasi oo ah in ay wax akhrido. Wax akhrisku waxay baahi tirtaa maanka gaajaysan iyadoo siisa aqoon iyo waayo aragnimo aan dhamaad lahayn. Akhrisku wuxuu inaga caawiyaa in ay maskaxdeenu balaadhato oo xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado.

Faa’idada 3aad: Akhrisku wuxuu horumariyaa xiriirka iyo qaabka qofku u hadlo Aqoon badan oo aad akhriska ku kasbataa waxay kaa caawin kartaa in aad si weyn uga qayb qaadan kartaa doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad bilowdo doodo wax ku ool ah. In aad hayso xog ka badan kuwa kale, waxay faa’iido kuugu tahay inaad dhinacooga dhulka dhigto waayo waxaad si qoto dheer u haysaa xoggo badan oo la xiriira mawduuca markaas taagan.

Faa’idada 4aad: Wax akhrisku wuxuu koriyaa maskaxdaada Buugta sheekooyinku waxay ku gaynayaan adduunyo aad iyo aad kaaga fog taasi oo aad ka dhex arki karto waxa ka dhacaya nolosha dadkaas isla markaana aad suuraysan doonto. Marka aad yeelato maskax wax qaabilaysa waxaad dhaxli doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa xilkasnimo, xeel dheeri iyo dhiiranaan.

Faa’idada 5aad: Dhamaan hogaamiyayaasha iyo kuwa guulaystay waa akhristayaal Buugtu waa wax aad u awood badan oo badala nolosha aadanaha. Dhamaan dadka guulaystay waxay sheegaan in buug ay akhristeen inta badan badalay noloshoodii kuna hogaamiyay guulaha ay gaareen. Xogta iyo aqoontu waa awood taasi oo ah wadada guusha, haddii aad aqoonta saxda ah ku daabaasho noloshaada waxay kugu hagaysaa guul midho dhal ah.

Faa’idada 7aad: Wax akhrisku wuxuu dhiirigeliyaa hal-abbuurnimada Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu korodhsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo addeegsado horumarinta naftu waa akhriska. Wax akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Mid ka mid ah faa’iidooyinka akhrinta buugta, warsidaha ama maqaalladu waa inay kuu koriso maskax ahaan iyo ruux ahaanba, akhrisku wuxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u fikirayo, inuu wax diirada saarto taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh isla markaana la jecel yahay.

Faa’idada 8aad: Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa caafimaadkaaga Dad badan waxay ogsoon yihiin in akhrisku uu leeyahay nafis iyo raaxo lagu dareemo wakhtiga habeenkii, wuxuu si aayar ah kuugu keeni karaa hurdo, waayo waxa uu kaa saarayaa dhibtaadii howlaha adduunyo ee maalinta dhan qofku soo maray isla markaana maskaxda ayuu u furayaa bog cusub oo lagaga nasto hagardaamadii maalinkaas.

Dhamaad

Intaas ayaa ku soo gabgabena waxa rajena inaa soo gudbiyo hababka wax loo aqriyo iyo buugagta qofku waxaqriska ku bilaabi karo kuna jaanqadi karo dhabaha wax aqriska

sii daalaco xogahan

somaliya sidee aheed 1943-1954 ?

waa maxay guul ? side lo noqda guuleyste ?

faa'idada waqtiga & inaad jadwal sameesato

إرسال تعليق

Post a Comment (0)

أحدث أقدم