Sida Dadka Loo Maamulu Ayakoo Daramenin
Assalamu alakum , waayahan
danbe ee ay sii hormartay cilmiga loo leeyahay abuurka aadamaha iyo sida ay
maskaxdodu u shaqeyso waxaa daaha ka feedmay arimo badan oo ku saabsan qaabka
ay u shaqeeso maskaxda binu aadamka waxaa la ogaaday hababka wax looka dhaadhicin
karo garaadka aadamaha ama laku qasbi karo inay aqbalaan wixii laka rabo ayadoo
u maleynayaan inay fikirkoda ku aqbaleen
Aragtida
Goebbels
Waxaan kahadlayaa aragtida goebbles oo ah aragti lagu adoonsanayo
garaadka qofka aad muraad ama arin gaar ah aad kaleedahay haddi aan si kale ku
fahamsiiyo, waxa waaye inaad qofka siiso labo doorasho ood aad soo diyaarisay
ama soo xushay adika , tii oo doortana aad adiku faa’ido kuu ah xaqiiqadu tahay
qofkaas aad ka qaaday doonitankii iyo rabitaanka, balse asigana u maleeyo inuu
xoriyad u leeyahay doorahsada iyo khiyaarka, inuu aqbalo waxa aad rabtay asagoo
umalenayo inuu doorasha asiga leeyahay, aragtidaan waxa asaasay oo marki u
horesay ka soo fushay ninka lagu magic daray ee
Paul
Joseph Goebbels
Waxa oo ahaan german oona dhashay
29oct-1897 sido kale waxa oo dhintay 1may-1945 waxa oo kamid ahaa
waziiradi hitler xilka labilabay oona la dhameystay ahmiyada oo leeyahay
daraaded iyo qiimaha aktiisa kalahaa hitler, waxa oo kamid noqday xisbikii
naazi ka 1924 markuu xilka qabtay xisbika naazi ka 1933 waxaa loo magacaabay
xilka waziirka dacaayada iyo baro bogaaandaha dalka german ka, waxa oo
labilabay xilkaas xukunki hitler 1933 sido kale wuuna la dhameystay illa
dhimashada hitler 1945 waxa oo ahaa waziirka dacaayada iyo baro bogaandada ee
dawlada germanka asaga ayaa baahin jiray dacaayadihi ka dhanka ahaa diimaha iyo
kanisadaha kiristanka sido kale waxa oo dacaayad ka bixin jiray jinsika yahuuda
( Israel ) , waxa oo aad uku olaleyn jiray cirib tirka yahuuda, intuusan is
dilin hitler waxa oo dardaarmay inu ka dhaxlo xilka madaxtinimada garman ka dib
dhimashadisa, wee dhacday oo marka oo isdilay hitler waxa xilka qabtay goebbels kadib markii oo qariyay oo dajiyay guri ku
yaal dhulka hoose xaaskisa iyo lix(6)
cunug oo asaga dhalay, balse hal maalin marka oo xilka haaya oo xaalka
qaraaraday ama xumaaday ayey asaga iyo gabadhisa iyo lix diisa carurta is
dileen kadib markii cabeen sun
Xogta
Aragtida
Aragtidaan haduu qofka u adeegsado dhanka wanaagsan wuxu ku fushan
karaa dano wanaagsan isagoo dareen siinin inuu qasbayo ama xukumayo qof kale
garaadkisa hadana asagoo u yeerinaya go aanka uu qadandoono, Tusaale: haddi aad ku tiraahdo cunugaga dugsiga ma
waxaad rabtaa inaad aado 6:00 am subaxnimo mise waxaad jeceshahay 7:00 am subaxnimo jawaabta
oo doorto cunugas tee rabto ha ahaate waa mid adika ku dan ah waayo waxaad
ogtahay labada waqti inuu midna ka daaheynin dugsiga, adiga ayaa u dooray
ikhtiyarka, iskane wuxu modayaa inuu isaga doorashada sameeya .
waligii qofkas maskaxdisa kuso dhici meeyso maxaa
doorashadas ku so koobay 6:00 iyo 7:00 maad 8:00 dooratid , marka laka imaado
haddi aad sidaas sameeso inaad ikhtiyaarka ka qaado cunugaas hadana waxa
xaqiiqa ah , inaad wadada fiican u is ticmaashay , sida lagu yaqaano aadamaha
markasta oo ay ogadan wax ku saabsan cilmu nafsika iyo abuurka aadamaha , waxaa
jira shakhsiyaad is ku daya inay danahooda u isticmaalan ,
Aragtidan iyo Xirirka
Siyasada
Aragtidaan waxa aynoqotay aragti siyaasadeed siyaasintu ku
gaaran danahooda gurcan haddii aanu soo qadano tusaalayal dhanka siyasada waxa
jirtay hada kahor dhacdo dhaxmartay marekan iyo china mar diyarad basaas ah oo
laka leeyahay marekan ay ku burburtay hawada dalka shiinaha xirirka labada
dalna gaaray halkii ugu xumaa abid waxaa dhacday in madaxwenaha marekanku soo
hor fariistay talfashinka kadibna sheegay dawlada marekanku ay cambareyn iyo
dhaliil ay u soo jedineso dawlada shinaha oo la daahday soo celinta diyaaradas
,
shiinuhu na waxa ay ku jawaaben waanu soo celindona diyaarada
laakin marka hore waa inanu ka baarna qalabka wax lagu basaso ,arrinu waxa ay
aheed sida saxda ah marka loo eego shiinuhu masoo celen doona diyaarad mise
masoo celen doonaan ,laakin xeelada oo is ticmaalay madaxwenaha mareekanka iyo
dawladiisa ayaa keentay inay si ogaal la’aan ah ugu qasbanadan shiinuhu inay
aqbalaan soo celenta diyaarada
si kale hadii aynu u
dhigno mareekanku shiinaha waxa oga guulestay dagaal maskaxeed isaga oo
adeegsanaya aragtida Goebbels af soomali ahaan
la ku dhihi karo aragtida xayndaabida ama aragtida meegarenta ee qofka edega ama (fahamka yar) lagu xereynayo .
Tusale Anaga Ah
Waxyaabah fudud ee kadhaca nolol maal-meed keena haddi aanku
soo qadoaragtidani ma keeneso dhibaatoyin waa ween tusaale ahaan haddii aad
leedahay mehrad aad wax ku iibiso cabitaan aana heeso labo nuuc oo cabitaan
fikradan aad bey ku anfacesa tusaale macmiil ayaa ku imid adikana waxaad hesa
labo nooc oo kala ah cambo iyo sisin waxaad dhihi kartaa ma canbo ayaa ku kenaa
mise sisin waxa dhaceysa qofkas asoo fagarin inu dooranay mid ka midah labadaas
cabitaan .
tusaaloyinkas aa soo shekay iyo kuwa lamid ah waa is ka dhib
yar waqtiyada qaarna faa’idona leh ,
lkn dhibaatada waxee ka taagan tahay marka si khaldan loo
adeegsado dano siyasaded iyo ujeedoyinka liito tusaale ahaan , hada kahor marka
dagalka ugu danbeay ee ciraaq marka la qabsanayey waxa oo ka dhacay airpot ka
diyaradaha bagdad saxaafada ayaa sheegtay qolada ku awood badisa la wareegista
garoonka ay ku guuleysaneso dagaalka oo gabiba, hadalkas ayaa ku soo noqnoqday
dhagaha ciraaqinta waxa dhacday in laoka awood ronado airpot ka oona laka
qabsaday, in ay ciidanka ay niyad jabaan oo ay is dhiiban iyaga oo uheesto in
sidaa looga adkaaday, sababto ah waxa loo isticmalay aragtidaas aanu soo
sheeknay ee aheed in ay kala doortan labadas khiyaar oo ah in ay ku guuleystan
oo ay ku kacan sareyan iyo in goobtas oo kaliya ku guuldareystan oo ciidankoda
Deegan kasta kadagal lamaya oo sidaas ku jabo
Sideen Loga Hortagaa
?
Kaliya waa inaad ogataa inee aragtidan jirto haddi aad
aqrisay xogtan oona fahamtay si fudud ayaad ku ogaan kartaa qofka rabo inuu
ikhtiyaarkada maamulu oo kaliya marka labo doorasho laku soo hordhiko waxaad ka
fakaresaa doorasho saddaxaaad uun , sida haddi saxibka ku dhaho galabta gorme
xaflada aadnaa 3:00pm mise 4:00pm waa inaad keenta doorasho sadaxaad oo ah
kawaran haddi aanu baxno 5:00pm waa sidaa oo kaliya
ku dhufo 👉 waa maxay caqliga soo jeedo
ku dhufo 👉 waa maxay guul ? side lonoqda guuleste
ku dhufo 👉 soomaliaya sidee aheed 1943-1954



إرسال تعليق