Caqliga Dahsoon (The Subconcious Mind)
Halka uu ka yahay caqligaaga soo jeedaa qaybta garaadkaaga ee aad ka war hayso waxa ka dhex socda, qaybta aanad ka war hayn ee caqligaaga ayaa loogu yeedhaa Caqliga Dahsoon. Hadaadan soo aqrisan qeebta hore hada aqriso ku dhufo ama kuji 👉 caqliga soo jeeda
Sidee u-shaqeeyaa
Qaybtani waxa ay shaqaysa 24-ka saacadood ee habeenkii ilaa maalintii, waxa aanay qaban kartaa shaqooyin badan oo aan xaddidnayn mar kaliya. Waa sida koombuutar ka dhex shidan qaybta danbe ee maskaxdaada. Waxa ay si joogto ah u xakamaysaa hawlaha aad ku qabanayso mooganaanta, sida: caadifadaha iyo caadooyinka. Marka aad soo jeeddo iyo marka aad hurudaba caqligaaga dahsoon waxa uu u shaqaynayaa si joogto ah isaga oo xakamaynayaa dhammaan shaqooyinka muhiimka ah ee ka dhex socda jidhkaaga, Awoodda Caqliga Dahsoon iyada oo aanay caawinayn qaybta kale ee soo jeeddaa (Conscious mind) Uma baahnid in aad ka fikirto neefsashada si aad uga shaqaysiiso wadnahaaga, si aad u dheefshiiddo cuntadaada, si aad u libiqsato, iyo hawlo kale oo fara badan oo jidhka ka dhex dhaca. Dhammaan hawlahan oo dhan waxa si joogto ah masuul uga ah qaybta garaadka ee dahsoon marka aad hurudid iyo marka aad soo jeeddaba. Caqligaaga dahsooni, waxa uu si joogto ah ula xidhiidhayaa unug kasta oo jidhkaaga ku jira, isaga oo ka warqaba waxa ku dhex jira, sidoo kalena u diraya shaqada ay tahay in uu qabto.
Caqliga dahsooni waxa uu masuul ka yahay oo kale hawlaha joogtada ah ee ay tahay in uu barto ama la qabsado caqligaaga soo jeedaa. Haddii aan soo qaato tusaale ku saabsan barashada kaxaynta baabuurta, bal ka fikir waqtigii ugu horaysay ee aad baranaysay sida gaadhiga loo kexeeyo, waa in aad si Awoodda Caqliga Dahsoon taxadar leh uga fikirta waxa kasta oo aad samayn jirtay waqtigaas! Waxa aan xasuusta waqti oo walalke baranayey gaadhi kaxaynta, sannado ka hor, waxa oo odhan jiray aabahe “ immika waxa aynu u leexanaynaa midigta wada inagu soo wajahan, ka qaad lugtaada leebarka, shido bidhbidhaha.. biriiga qabo.. u leexi taayirka midigtaada.. immika toosi shookaanta.. ka qaad lugtaada biriiga oo saar leebarka.” Sidoo kale waa in oo isaka oo soo jeedda ka fikirtaa tallaabada oo qaadayo sidoo kalena aan u hagaa si soo jeedda. Markii oo dhammaysatay hannaanka barashada ee soo jeeda (Conscious Learning Process) waxa maskaxdiisa ku dhaadhacay tilmaamihii sidoo kalena waxa tallaabo tallaabo ula qabsatay qaybtii maskaxda ee dahsoonayd, sidaa darted uma baahna in uu ka fikiro tallaabada oo qaadayo. Waqtigan aynu joogno waa dirawal (drive) dhammaystiran, badanka qaabka oo u kaxaynayo gaadhigana uma baahna in ay Awoodda Caqliga Dahsoon ka fikirto oo waxa maamulaya caqligii dahsoonaa.
Siduu U-lawaregaa Howlaha
Dhammaan xirfadaha iyo wax kasta oo aad baratay waxa uu dabaqayaa qaabkan ah in aad marka hore ka barato qaybta maskaxda ee soo jeedda marka danbe ee uu u dhaadhaco maskaxda qaybta dahsoonna uma baahnid in aad ka fikirto oo masuuliyaddaas waxa la wareegaysa qaybta dahsoon ee garaadka adiga oo aan dhaadayn baanad samaynaysaa, tusaale ahaan Dabaasha, Baaskiilad kaxaynta, xidhashada kabahaaga. Sababta ugu weyn ee aad u baratay xirfadahanina waa in aad ku celcelisay marar badan adiga oo isticmaalaya garaadka soo jeeda. Ku celcelintu waa mid ka mid ah furayaasha ugu muhiimsan ee lagu qaabeeyo caqliga dahsoon (aad u xusuusnoow qodobakn ku celcelinta waxa aynu kaga hadli doonnaa qaybabaha danbe ee Maqaalka) Waa kuwan astaamo kale oo uu leeyahay caqliga dahsooni: waxa aan ku soo sheegay cmaqaalki hore ee aynu soo soo sheegnay in caqliga soo jeedaa uu yahay qaybta Awoodda Caqliga Dahsoon falanqaynta, qiimaynta iyo odoroska ee maskaxdaada halka uu caqliga dahsoonina ka yahay qaybta Dareenka/caadifaada ee maskaxdaada, waa isha ay ka soo burqadaan dhammaan caadifadahaagu, sida Jacaylka, Nacaybka, Niyad jabka, maseerka, Murugada, Cadhada iyo Farxadda. Sida ku celcelinta oo kale caadifadduna waa mid ka mid ah furayaasha dib u qaabaynta garaadka dahsoon. Sidoo kale sidii aan hore ugu soo sheegay maqaal kii hore waxa aan carrabaabay in caqliga soo jeedaa uu leeyahay xusuus xaddidan balse lama mid ah caqliga dahsooni oo waxa uu leeyahay kayd xusuuseed aan xadidnayn.
Xaqiiqdii wax kasta oo aad soo martay intaad noolayd ( laga soo bilaabo dhalashadaadii) waxa ay ku kaydsan yihiin caqligaaga dahsoon sida cod kasta oo aad maqashay, wax kasta oo aad la kulantay, wax kasta oo aad maqashay iyo dareen kasta oo aad dareentay. Haddii aad u soo dhawaado shaqada shaqooyinka kale ee uu qabto Awoodda Caqliga Dahsoon caqliga dahsooni waa kuwan muhiimka ah, sida in uu yahay barta ay ka soo abqaalmaan aaminadahaagu oo ay ka mid yihiin in aad isku aragto qof leh halabuurnimo ama se aan lahayn, mid caqli badan ama aan caqli badnayn, mid guulaystay ama aan guulaysan, mid aan la jeclaan karin ama la jeclaan karo. Dhammaan aaminadahan ka soo abqaalmay caqligaaga dahsoon ee ku saabsan naftaadu waa natiijada dhammaan wixii aad soo martay nolosha. Tani waa mid aad muhiim u ah in aan ka warqano oo aan u fiirsano sababta oo ah marka aynu waynaano waxa aynu la noolnahay aragtiyo taban oo aynu ka haysano nafteenna iyo aaminaado ku dhex jira caqligeenna dahsoon, kuwaas oo aynu la soo kulannay sannadadii yaraanteenna.
Goorme keydsamaa Caqliga Dahsoon
Caruurtu badankoodu waxa ay la kulmaan kalmado aan wanaagsanayn kalmadahaas oo ku beerma caqliga dahsoon ee ilmaha yar kuwaas oo la socda noloshooda. Ereyadan xun xun waxa laga yaabaa in ay ku yidhaahdaan Ardayda ay isku fasalka Awoodda Caqliga Dahsoon yihiin, walaalahood, waalidiintood ama macalimiintooda. Waxaana ka mid ah: Waxa aad tahay mid buuran Waad fool xun tahay Waxa aad tahay nacas Waxa aad tahay mid caajis badan Waxba kuma filnid Waxba ma qaban kartid Waxa aan sheegi karaa kalmado badan oo noocan oo ah laakiin waxaan filayaa in aad ila fahantay. Marka carruurta lagu celceliyo ereyada noocan oo kale ah iyada oo caadifadi la socot, waxa beermaya fikiro iyo aaminaado aan wanaagsanayn oo taban kuwaas oo ku kaydsamaya caqliga dahsoon ee ilmaha yar waxa aanu caqliga dahsoon u haysanayaa wax dhab ah oo jira. Carruurta oo kaliya maaha kuwa la kulma xaaladahan tabani balse waqtiga aad Awoodda Caqliga Dahsoon waynaato xaaladaha taban ee aad la kulantaa waxa ay ku dhaxalsiin karaan isla qodobkaynu ka hadalnay. Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku jira garaadkaaga dahsoon waxa ay saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la kulanto noloshaada.
Haddii aad caqliga dahsoon ku sidato aaminaado taban oo naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah, balse haddii aaminaadaha caqligaaga dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas inta aad nooshahay. Sababtu waa in xaqiiqada aad ku nooshahay ay la mid noqonayso sawirka aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa mid xasaasi ah xaqiiqada aad ku nooshahay waxa ay la mid noqon doontaa aamindaaha iyo sawirka maskaxdaada ku jira oo macnaheedu yahay hadba wixii maskaxdaada kuugu jira ayaa ay noloshaaduna u eekaanaysaa. Awoodda Caqliga Dahsoon 18 Waatan sida ay u shaqaynayso arrintani, waxa aan hore u soo sheegay in caqligaaga dahsooni uu xakameeyo ficiladda aad u qabanayso mooganaanta, taas oo aan ku koobnayn oo kaliya neefashada iyo garaaca wadnaha balse ay ku jiraan ficilladaada iyo hab-dhaqannadaadu, waxaanay u maamulaysa hab-dhaqannadan iyo ficilladan iyada oo ku sidkaysa aaminaadaha naftaada aad ka qabto eek u kaydsan caqligaaga dahsoon.
Dhamaad
Sii daalaco maqaladan
Soomaliya side aheed 1943-1954
Waa maxay faa’idada wax aqriska

Mahadsanid saxib wax muhiima ayaa inooaoo gudbisay jazaakalaaahu khayr
ردحذفإرسال تعليق