Sidee Dadka Loo Maamulu Ayakoo Daramenin

Sida Dadka Loo Maamulu Ayakoo Daramenin

sida dadka loo mamulo


Assalamu alakum , waayahan danbe ee ay sii hormartay cilmiga loo leeyahay abuurka aadamaha iyo sida ay maskaxdodu u shaqeyso waxaa daaha ka feedmay arimo badan oo ku saabsan qaabka ay u shaqeeso maskaxda binu aadamka waxaa la ogaaday hababka wax looka dhaadhicin karo garaadka aadamaha ama laku qasbi karo inay aqbalaan wixii laka rabo ayadoo u maleynayaan inay fikirkoda ku aqbaleen

Aragtida Goebbels

Waxaan kahadlayaa aragtida goebbles oo ah aragti lagu adoonsanayo garaadka qofka aad muraad ama arin gaar ah aad kaleedahay haddi aan si kale ku fahamsiiyo, waxa waaye inaad qofka siiso labo doorasho ood aad soo diyaarisay ama soo xushay adika , tii oo doortana aad adiku faa’ido kuu ah xaqiiqadu tahay qofkaas aad ka qaaday doonitankii iyo rabitaanka, balse asigana u maleeyo inuu xoriyad u leeyahay doorahsada iyo khiyaarka, inuu aqbalo waxa aad rabtay asagoo umalenayo inuu doorasha asiga leeyahay, aragtidaan waxa asaasay oo marki u horesay ka soo fushay ninka lagu magic daray ee

Paul Joseph Goebbels

by hanasho


Waxa oo ahaan german oona dhashay  29oct-1897 sido kale waxa oo dhintay 1may-1945 waxa oo kamid ahaa waziiradi hitler xilka labilabay oona la dhameystay ahmiyada oo leeyahay daraaded iyo qiimaha aktiisa kalahaa hitler, waxa oo kamid noqday xisbikii naazi ka 1924 markuu xilka qabtay xisbika naazi ka 1933 waxaa loo magacaabay xilka waziirka dacaayada iyo baro bogaaandaha dalka german ka, waxa oo labilabay xilkaas xukunki hitler 1933 sido kale wuuna la dhameystay illa dhimashada hitler 1945 waxa oo ahaa waziirka dacaayada iyo baro bogaandada ee dawlada germanka asaga ayaa baahin jiray dacaayadihi ka dhanka ahaa diimaha iyo kanisadaha kiristanka sido kale waxa oo dacaayad ka bixin jiray jinsika yahuuda ( Israel ) , waxa oo aad uku olaleyn jiray cirib tirka yahuuda, intuusan is dilin hitler waxa oo dardaarmay inu ka dhaxlo xilka madaxtinimada garman ka dib dhimashadisa, wee dhacday oo marka oo isdilay hitler waxa xilka qabtay goebbels  kadib markii oo qariyay oo dajiyay guri ku yaal dhulka hoose  xaaskisa iyo lix(6) cunug oo asaga dhalay, balse hal maalin marka oo xilka haaya oo xaalka qaraaraday ama xumaaday ayey asaga iyo gabadhisa iyo lix diisa carurta is dileen kadib markii cabeen sun

Xogta Aragtida

Aragtidaan haduu qofka u adeegsado dhanka wanaagsan wuxu ku fushan karaa dano wanaagsan isagoo dareen siinin inuu qasbayo ama xukumayo qof kale garaadkisa hadana asagoo u yeerinaya go aanka uu qadandoono, Tusaale: haddi aad ku tiraahdo cunugaga dugsiga ma waxaad rabtaa inaad aado 6:00 am subaxnimo mise waxaad jeceshahay 7:00 am subaxnimo  jawaabta oo doorto cunugas tee rabto ha ahaate waa mid adika ku dan ah waayo waxaad ogtahay labada waqti inuu midna ka daaheynin dugsiga, adiga ayaa u dooray ikhtiyarka, iskane wuxu modayaa inuu isaga doorashada sameeya .

waligii qofkas maskaxdisa kuso dhici meeyso maxaa doorashadas ku so koobay 6:00 iyo 7:00 maad 8:00 dooratid , marka laka imaado haddi aad sidaas sameeso inaad ikhtiyaarka ka qaado cunugaas hadana waxa xaqiiqa ah , inaad wadada fiican u is ticmaashay , sida lagu yaqaano aadamaha markasta oo ay ogadan wax ku saabsan cilmu nafsika iyo abuurka aadamaha , waxaa jira shakhsiyaad is ku daya inay danahooda u isticmaalan ,

Aragtidan iyo Xirirka Siyasada

by hanasho


Aragtidaan waxa aynoqotay aragti siyaasadeed siyaasintu ku gaaran danahooda gurcan haddii aanu soo qadano tusaalayal dhanka siyasada waxa jirtay hada kahor dhacdo dhaxmartay marekan iyo china mar diyarad basaas ah oo laka leeyahay marekan ay ku burburtay hawada dalka shiinaha xirirka labada dalna gaaray halkii ugu xumaa abid waxaa dhacday in madaxwenaha marekanku soo hor fariistay talfashinka kadibna sheegay dawlada marekanku ay cambareyn iyo dhaliil ay u soo jedineso dawlada shinaha oo la daahday soo celinta diyaaradas ,

shiinuhu na waxa ay ku jawaaben waanu soo celindona diyaarada laakin marka hore waa inanu ka baarna qalabka wax lagu basaso ,arrinu waxa ay aheed sida saxda ah marka loo eego shiinuhu masoo celen doona diyaarad mise masoo celen doonaan ,laakin xeelada oo is ticmaalay madaxwenaha mareekanka iyo dawladiisa ayaa keentay inay si ogaal la’aan ah ugu qasbanadan shiinuhu inay aqbalaan soo celenta diyaarada

 si kale hadii aynu u dhigno mareekanku shiinaha waxa oga guulestay dagaal maskaxeed isaga oo adeegsanaya aragtida Goebbels af soomali ahaan la ku dhihi karo aragtida xayndaabida ama aragtida meegarenta ee qofka edega ama (fahamka yar) lagu xereynayo .

Tusale Anaga Ah

Waxyaabah fudud ee kadhaca nolol maal-meed keena haddi aanku soo qadoaragtidani ma keeneso dhibaatoyin waa ween tusaale ahaan haddii aad leedahay mehrad aad wax ku iibiso cabitaan aana heeso labo nuuc oo cabitaan fikradan aad bey ku anfacesa tusaale macmiil ayaa ku imid adikana waxaad hesa labo nooc oo kala ah cambo iyo sisin waxaad dhihi kartaa ma canbo ayaa ku kenaa mise sisin waxa dhaceysa qofkas asoo fagarin inu dooranay mid ka midah labadaas cabitaan .

tusaaloyinkas aa soo shekay iyo kuwa lamid ah waa is ka dhib yar waqtiyada qaarna faa’idona leh ,

lkn dhibaatada waxee ka taagan tahay marka si khaldan loo adeegsado dano siyasaded iyo ujeedoyinka liito tusaale ahaan , hada kahor marka dagalka ugu danbeay ee ciraaq marka la qabsanayey waxa oo ka dhacay airpot ka diyaradaha bagdad saxaafada ayaa sheegtay qolada ku awood badisa la wareegista garoonka ay ku guuleysaneso dagaalka oo gabiba, hadalkas ayaa ku soo noqnoqday dhagaha ciraaqinta waxa dhacday in laoka awood ronado airpot ka oona laka qabsaday, in ay ciidanka ay niyad jabaan oo ay is dhiiban iyaga oo uheesto in sidaa looga adkaaday, sababto ah waxa loo isticmalay aragtidaas aanu soo sheeknay ee aheed in ay kala doortan labadas khiyaar oo ah in ay ku guuleystan oo ay ku kacan sareyan iyo in goobtas oo kaliya ku guuldareystan oo ciidankoda Deegan kasta kadagal lamaya oo sidaas ku jabo

Sideen Loga Hortagaa ?

Kaliya waa inaad ogataa inee aragtidan jirto haddi aad aqrisay xogtan oona fahamtay si fudud ayaad ku ogaan kartaa qofka rabo inuu ikhtiyaarkada maamulu oo kaliya marka labo doorasho laku soo hordhiko waxaad ka fakaresaa doorasho saddaxaaad uun , sida haddi saxibka ku dhaho galabta gorme xaflada aadnaa 3:00pm mise 4:00pm waa inaad keenta doorasho sadaxaad oo ah kawaran haddi aanu baxno 5:00pm waa sidaa oo kaliya

sii daa laco maqaladan

ku dhufo 👉 waa maxay caqliga soo jeedo

ku dhufo 👉 waa maxay guul ? side lonoqda guuleste

ku dhufo 👉 soomaliaya sidee aheed 1943-1954


Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post