Hordhac
adika cunto la'aan manolankartid baaburka shidaal la'aan ma socon karo sido kale dadka lacag la'aan ma shaqekaran sidaas darteed maskaxda qofka bini aadamka waxaa jira wax ay ubaahan tahay si mid caqli leh iyo xikmad leh unaqoto oona fahansan nolasha, qormadan maanta waxaa ku lafa gurenaa wax aqriska ku soo dhawaaw maqaalka.
WAX-AKHRISKU: WAA
FURAHA GUUSHA
Alle weyne waxa uu yidhi “ Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe
ee abuuray (khalqiga) (1), Dadkana ka abuuray calaq (2), akhri Eebbena waa kan
sharafta lehe (3), ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro (4), dadkana
baray wax ayna aqoonin (5).
Aayadahan Quraanka
ahi waxa ay ka mid yihiin Suurada (Al-Calaq) oo ah suuradii ugu horay ee kusoo
degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuradani waxa
aan ka dhex arki karnaa in furaha guushu yahay wax akhris. Wax akhrisku waxa uu
qofka barayaa wax uusan aqoonin, dunida maanta waxa lagu tartamayaa waa aqoon.
Aqoontuna waa in qof ama dad garanayaan wax aysan kuwa kale aqoonin.
Dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan
diin, midab, dhaqan iyo deegaan isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku
guulaysteen kala duwan yihiin- mid ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad
iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u guulaysta waxaa jira hal wax oo ay
dhammantood ka siman yihiin waana wax akhriska. Og Mandino
waa nin aad u caan ah oo ahaan jiray askari duuliye Maraykan ah oo ka qayb
galay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu duqaymo ka geystay Jarmalka. Markii
uu dagaalku dhamaaday waxa uu ku biiray addeegyada caymiska. Mandino waa ku
fashilmay.
Subax ka mid ah
maalmahaas waxa uu go’aansaday in uu is dilo, isaga oo ku socda meeshii uu isku
dili lahaa ayuu arkay maktabad wax akhris waa uu galay, ka dib waxa uu akhriyay
buugta dhiirigelinta gaar ahaan buuga uu qoray Napolean Hill ee la yidhaa “Think and grow rich”,
maalintaa ka dib waxa uu sii waday wax-akhriskii oo ka hakiyay in uu is dilo.
Waxa uu qoray buug badan oo uu ugu caansan yahay “The worlds greatest
salesman” oo laga daabacay in ka badan 50 malyuun oo lagu turjumay
in ka badan 25 luuqadood. Waxa aan ka baran karnaa in wax akhrisku kaa saari
karo cidhiidhi kasta oo aad nolosha ka dareemayso cagtana kuu saari karo wadada
guusha.
Waa maxay
faa’iidooyinka akhrisku?
Faa’idada 1aad: Akhrisku
wuxuu maskaxda ka daweeyaa dhibaatooyinka In aad maskaxdaada geliso buug badan
oo aad akhrido waxay dareenkaaga siinaysaa in maskaxdu ka fogaato
dhibaatooyinka kale ee ku xeeran isla markaana diirada saarto waxyaabaha kale
ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta. Akhrisku wuxuu ku tusayaa dhaqano
badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogayn inay
jiraanba. Wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto
ama aad u qabato wax aad u malayn jirtay in aan la samayn karin ama la gaari
karin. Murti ayaa waxay leedahay “Qofka
aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan wax akhrin karin” waxaa
yidhi Mark Twain.
Faa’idada 2aad: Wax
akhrisku waxa uu quudiya maskaxda Maskaxdeenu waa wax aad u awood badan hadba
inta xog la geliyo ayay soo saartaa. Xubin kaste oo ka mid ah jidhka bini
Aadamka ah waxay ubaahan tahay in shaqo loo diro. Calooshu waxay u baahan tahay
cunno lagu quudiyo, jidhku wuxuu u baahan yahay jimicsi lagu quudiyo sidoo kale
maskaxdu waxay u baahan tahay quudin taasi oo ah in ay wax akhrido. Wax akhrisku
waxay baahi tirtaa maanka gaajaysan iyadoo siisa aqoon iyo waayo aragnimo aan
dhamaad lahayn. Akhrisku wuxuu inaga caawiyaa in ay maskaxdeenu balaadhato oo
xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado.
Faa’idada 3aad: Akhrisku
wuxuu horumariyaa xiriirka iyo qaabka qofku u hadlo Aqoon badan oo aad akhriska
ku kasbataa waxay kaa caawin kartaa in aad si weyn uga qayb qaadan kartaa
doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad bilowdo doodo wax ku ool ah. In aad
hayso xog ka badan kuwa kale, waxay faa’iido kuugu tahay inaad dhinacooga
dhulka dhigto waayo waxaad si qoto dheer u haysaa xoggo badan oo la xiriira
mawduuca markaas taagan.
Faa’idada 4aad: Wax
akhrisku wuxuu koriyaa maskaxdaada Buugta sheekooyinku waxay ku gaynayaan
adduunyo aad iyo aad kaaga fog taasi oo aad ka dhex arki karto waxa ka dhacaya
nolosha dadkaas isla markaana aad suuraysan doonto. Marka aad yeelato maskax
wax qaabilaysa waxaad dhaxli doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa
xilkasnimo, xeel dheeri iyo dhiiranaan.
Faa’idada 5aad: Dhamaan
hogaamiyayaasha iyo kuwa guulaystay waa akhristayaal Buugtu waa wax aad u awood
badan oo badala nolosha aadanaha. Dhamaan dadka guulaystay waxay sheegaan in
buug ay akhristeen inta badan badalay noloshoodii kuna hogaamiyay guulaha ay
gaareen. Xogta iyo aqoontu waa awood taasi oo ah wadada guusha, haddii aad
aqoonta saxda ah ku daabaasho noloshaada waxay kugu hagaysaa guul midho dhal
ah.
Faa’idada 7aad: Wax
akhrisku wuxuu dhiirigeliyaa hal-abbuurnimada Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu
korodhsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu awoodda badan ee aanay dadku badanaa
ogayn ee loo addeegsado horumarinta naftu waa akhriska. Wax akhrisku wuxuu kaa
caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Mid ka mid ah faa’iidooyinka akhrinta
buugta, warsidaha ama maqaalladu waa inay kuu koriso maskax ahaan iyo ruux
ahaanba, akhrisku wuxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u fikirayo, inuu wax
diirada saarto taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh isla markaana la jecel
yahay.
Faa’idada 8aad: Wax
akhrisku wuxuu kor u qaadaa caafimaadkaaga Dad badan waxay ogsoon yihiin in
akhrisku uu leeyahay nafis iyo raaxo lagu dareemo wakhtiga habeenkii, wuxuu si
aayar ah kuugu keeni karaa hurdo, waayo waxa uu kaa saarayaa dhibtaadii howlaha
adduunyo ee maalinta dhan qofku soo maray isla markaana maskaxda ayuu u furayaa
bog cusub oo lagaga nasto hagardaamadii maalinkaas.
Dhamaad
Intaas ayaa ku soo
gabgabena waxa rajena inaa soo gudbiyo hababka wax loo aqriyo iyo buugagta
qofku waxaqriska ku bilaabi karo kuna jaanqadi karo dhabaha wax aqriska
somaliya sidee aheed 1943-1954 ?


Post a Comment