Guul: waa adiga oo ku guuleystay wax aad ku riyooneysay (hamineysay) muddooyin badan ha ahaato waxbarasho, ganacsi, ama yagleelida (dhisashada)guur.
Sidaas darteed waxa dhihi karnaa qofka marka uu helo waxa uu ku taamayay (haminayay) muddo caadiyan waxa uu gaaray halka uu rabay wuuna xaqiijiyay guushisa haku helo si dhib yar ama si adag qofkaas wuxu hantiyay guushisa
Kasoo qaad qofka marka uu qalin jabiyo xaka wax barashada waxaa dhahnaa hambalyo sababta aan hambalyo udhahno mataqanaa.
Qofkaas waxa uu gaaray meel uu muddo ku haminayay waa muhiim inaa dhahno waad kuuleysatay hambalyo.
Guusha aad maqasho waa intaas aan ku weydiiyo marka si lagu dhaho mataqanaa halka aad u socoto iyo shaqada aad xiligan heeyso mise ma ogtahay hadafka aad nolasha ka leedahay?
Qof walba oo naga mid ahi waxa uu jecel yahay in uu nolosha meel sare ka gaaro saas oo ay tahayna dadaal ayaa lees dheeryahay.
Bal kawaran haddii aadan waxba qabanin 24saac walba maxa filaneysaa maalinta xigta sido kale bisha xigto ama sanadka xiga.
Waa waxba sababta oo ah ma aadan shaqeyn waqtigaas sidaas darteed hamigaaga waa mid aadan waxba ku heleynin hadii aad sii wado muddo kawaran wali waa waxba meeshada lee jogtaa.
Sidaas darteed ka faa ideyso ilbiriqsi walba ee ku soomara guusha dhan ayaaba ah in aad waqtigaaga ka faaideysato si aad ukuu laysato lahaaw marka hore hadaf iyo ujeedo la gaari garo markaas waa hubaal in aad gaari doontid hadafgaga waa macmacquul ah in ay kugu qaadato waqti balse hadii aad sabarto oo udul qaadato waa hubaal waad gareysaa hadafgaga.
o Sidee Loo Noqdaa Qof Guleysta
Si kasoo horjeeda Sida dad badani Aminsanyihiin Ma Jiraan dad aanan guuleysan amase guuldareystaa hase ahaate waxa jira dad haysta fursadaha lagu guleysto kuwaasi yaqaana sida looga faa’ideysto waxaa kaloo jira dad haysta fursadahaas balse aan garaneyn sida looga faa’ideysto.
Waxaad kaliya ubaahan tahay inaad sameso si aad uguuleysato waa inaad si sax ah U qabato waxa dadka guuleystay sameeyan ha ahaato caadoyin iyo iwm hadaad ubahantahay inaa mawduuc kaso sameeyo caadoyinka dad ka guuleystay (haa kaso same) ku qor qeebta hoose ee falloyinka .
Haddi aad akhridid warbixinta hoose waxaad si buuxda u hele doontaa dhamaan fikradihii ay xambaarsanayeen dadka guuleystay taasi oo kuu horsedeso inaad guuleysato.
o Maxaan U Guulay-San waayay
Hadaad si xaqiiq u rabto inaad guuleysato waa inaad si xeeldhere u fahantaa fikradaha guud ee cayimaya fursadahaaga kana dhigaya qof aan guuleysan.
Dadka guuleystay waxay ka fogaadaan fikradaha curyaamiya dad badan, sidoo kale waa inaad adna ka fogataa 4afartaan shay.
1: Fikradaha khiyaliga AH: fikradaha khiyaliga ahi waa fikradaha qaladka ah ee naftada aa minsantahay ama qeeb kamid ahi aaminsantahay.
Fikradaha khiyaliga ah waxa kamid ah “waligay shaqo ka helimayo wadanka “ ama “wadankan waxba ma dhaxyaalaan”fikradaha khiyaliga ahi waxay si toos ah uxadidaan fursadahaaga dhabta ah iyo guushaada ka taqallusida fikradahaas iyo inaad waxbadan ka ogataa waa hawsha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad qabato haddii add dooneysid guul fikradaha khiyalika ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburi karaan nolashaada oo dhami .
2: Adkeysi la’aan : kawaran adigoo leh waxbarasho tayo sare leh iyo xirfado aad u sareeya hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib markaad guuldareysato 1hal ama 2labo Jeer ? dadka kaliya ee nolasha ku guuleystaa waa dadka adkeesiga leh kuwa aan ka rajo dhigin hamigooda iyo hiigsigooda illaa inta ay ka heleyaan waxay doonayan xitaa hadii caqabad kasta ka hor imadan ama xitaa ay guuldareystaan inbadan .
3: Isbadal la’aan : Isbadalku waa awood lagula qabsado xaaladaha guud waa awood layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu shaqeyn waayo isbadalkaaga oo bata waxaa badanaya laqabsashada aad laqabsaneso xaaladaha kal duwan taasi oo badineysa fursadahaaga guusha .
4: Qorshe la’aan : hadii aanad laheyn hadaf iyo qorsho ogow inaad noqoneyso qayb kamid ah dad ka kale qorshahooda hadii aanay kuu qorsheysneyn inaad noqoto hogaamiyaha kooxda aad wada shaqeysan qof kale oo kamid ah kooxdina ayaa qorsheysan doono sidoo kale hadii aanay ku qorsheysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaarka sare leh ogow inuu qof qorshaystay in uu kaa buuxin doono wuxuu kaa buuxin doona booska mushaarka sare leh sidoo kale lacgta badana in uu isga qaadan doono isaga ayaana caan noqon doono halka aad ka noqo doonto daawade QORSHUHU WUXUU DOOR MUHIIM KA CIYARAA GUUSHAADA
Hanashada Furayasha guusha
1: Nacaybka Jacel ku Badal
2: Dulmiga Cadaalad ku Badal
3: Carada Cafis ku Badal
4: Murugta farxad ku Badal
5: Fudeydka Kaadsiimo Ku Badal
6: Bakhaylnimada wax bixin Ku Badal
7: Cadowtinimada Raxmad ku Badal
8: Tuhmada Cudur-daar ku Badal
9: Niyad xumida niyad wanaag ku Badal
10: Aargudashada Cafis Ku Badal
11: Cayda amaan ku Badal
12: Islaweynida Islayareen Ku Badal
13: Ixtiraam darida Maamus ku Badal
14: Xanta Inaad is kadeyso Ku Badal
15: xasadnimada inaa dad ka kheyr lajeclaato ku Badal
16: cuqdada inaad qalbi furnaan ku Badal
17: af-dheerida af-gaabni ku Badal
18: khayaanada amaano ku Budal
19: Xumaanta wanaag ku Badal
20: Dabeecad xumada dabeecad wanaag ku Badal
GUNAANAD
Haddii intaas lagaa helo adduun iyo aakhiro waa guulesanee oo waxaad kasbanee tixgilin iyo jaceyl adduunka sharaf iyo karaamo ayaad ku joogo oo waxaad noqon mid la jecelyahay




إرسال تعليق