Maqaalkan hoos ku qoran waxa uu ka warramayaa,waxa qaabeeya qofnimada aadamaha, iyo marxaladaha maskaxeed ee uu maro qofku inta uu korayo.
Sida aynu wada ognahay shaqada ay maskaxda aadamuhu qabato waxa ay culimada kasmo nafeedku u qeybiyaan saddex qaybood. Afkaar “thoughts”, dareen “emotions”, iyo dhaqammo “behaviors. Saddexdaa shaqo oo is dhameys tiraya ayaa shakhsiyadda qofka qaabeeya. Qof walba waxa uu kaga duwan yahay kan kale waa in uu si ka duwan, iyo meelo ka duwan ka helay saddexda shaqo ee kor ku xusan.
Su’aasha is weydiinta mudan waxa weeyi sideebuu qofku fikirkiisa, dareenkiisa iyo dhaqankiisaba u kasban karaa? Se waa halkee meesha uu ka kasbanayaa? Si aynu su’aashan uga jawaabno waa in aynu marka hore baraadka qofka iyo qeybihiisa wax ka iftiiminnaa, innagoo tusaale ku muujineyna , ugu dambeyna marxaladaha lagu unko shakhsiyadda qofka wax ka nidhaahnaa.
Baraadka qofka waxa loo qeybiyaa saddex qeybood:-
1. Qeyb si joogo ah u shaqeysa oo aan marna kifir iyo xusuus dheeri ah u baahneyn “conscious mind”. Tusaale ahaan, haddii aan ku weydiiyo magacaa? Uma baahaneysid in aad ka fikirto magaacaga, amma haddaan ku idhaa haleed joogta?, iskuulkeed wax ka barataa?, xaafaddeed degantahay?! Waxaas oo dhami waxa ay ku jiraan baraadkaaga soo jeeda, u mana baahna in uu qofku ka fikiro, isla markaana dedaal dheeri ah galiyo.
2. Qeyb soo jeedda/shaqeysa balse u baahan in aad fikir iyo xasuus galisid, kadibna xogta usoo gudbisa qeybta koobaad sidaasna lagu hawl galiyo xogtii la xasuustey “pre-conscious mind”. Tusaale ahaan, haddii aan ku weydiiyo macallinkaagii juquraafiga fasalkii siddeedaad magiciisa? Hadda maad xasuusneyn balse inta aad woxogaa ka fikirto ayaad leedahay hebel.
Haddaan ku idhaa gabadhii kuugu horeysay ee aad jeclaatey magaceed? Wakhtigii kuugu horeysay ee aad meel heblaayo aragto? Sannadkii aad jaamicadda bilawdey? Su’aalahaas oo dhan jawaabohoodu waxa ay ku jiraan qeybta labaad, balse waxa ay u baahantahay in aad ka fikirto oo aad keento xogtaa qeybta koobaad si aad uga war celiso waydiimahan.
3.
Qeybta saddexaad waa baraad damsan amma aan soo
jeedin “unconscious mind”, marka loo
barbar dhigo labada hore aad ayey uga weyn tahay,vwaana qeybta dhabta ah ee
qofnimadaada inta ugu mudan qaabeynaysa. Waxa ay kaga duwan tahay labada
qeybood ee hore dhawr shay oo la yaable leh.
Tusaale ahaan, markii aad yareyd waxyaabihii dhacayey ee kugu xeersanaa waxba kama xasuusatid, taa macnehedu maaha in aaney maskaxdaada ku jirin, balse waxa ay ku jirtaa qeybtan dambe ee shakhsiyaddaada inta ugu badan qaabeynaysa.
Haddii xogahaa aad keydisay yaraantaadi ay yihiin qaar si
togan loo dhisay shakhsiyaddaadu waxa ay noqoneysa mid togan, waxa ayna u kala
xoog badan yihiin xoguhu sida ay u kala horreeyaan. Tusaale ahaan, xogtaad
qabatey 18kii bilood ee noloshaada ugu horreeyay ayaa ka saameyn badan xogtii
aad qabatey 18-36 bilood intii u dhexaysay, iydna waxay kasii saameyn
badantahay xogtii aad qabatey 3-6 sano intii u dhexaysay. Kor uun u wad illaa
uu qofku ka dhimanayo. Fikraddan waxa iska leh caalimkii kasma nafeedka ee la
odhan jirey Eric Ericson.
Qeybta dambe waxa aan kaga hadli doonaa siddeeda
martabadood ee uu qofku ka dhaxlo shakhsiyaddiisa, iyadoo midiba tan ay ka
horreyso ka saamyn badantahay, mid walbana tilmaan gaar ah laga dhaxlo.
Qaybta koobaad:- (0-18 bilood)
Qofku marka uu yaryahay una dhexeeyo da’da (0-18 bilood)
waxa noloshiisa hage ka ah hooyada “primary care taker”, si buuxda ayuu ugu
tiirsanyahay, caalamka oo dhanna waxa uu u haystaa iyada. Mar kasta oo uu
gaajoodo, kalinimo dareemo, amma uu wax u baahdo waxa uu raadinayaa hooyadii
isaga oo ooyeya, haddii uu helo hooyadii oo ag joogta mar kasta oo uu u baahdo
waxa uu aaminayaa in caalamka oo dhan -waa hooyadiiye- uu yahay mid wanagsan.
Balse haddii uu waayo hooyadii markasta oo uu u baahdo waxa uu aaminaya in
caalamka oo dhan kharibanyahay. Marxaladdan uu qofku ku jiro waxa ugu weyn ee
ku loollamaya maskaxdiisu waa aaminaad iyo aaminaad la’aan (trust and
mistrust), waxana uu ka dhaxlayaa rajjo[da] uu ka qabo noloshiisa. Haddii ay
aaminaaddu xoog badato waxa uu noqonayaa qof rajjo badan wax kasta oo noloshiisa
ku dhacana ka soo kaban kara.
Waxa la sheegaa in kacdoonkii waddanka faransiiska ka
dhacay ee uu keenay kala sarreynta dabaqadaha bulshadu uu ku jiray nin maal
qabeen ah oo ka mid ahaa dabaqadaha sare, kadib dabaqadihii dhexe iyo kuwiii
hoose gadoodkii ay sameeyeen ayey ku dileen waalidkiisi, walaalladii,
carruurtiisi, iyo xaaskiisibaa.
Nasiib wanaag isagu wuu ka baxsadey, ugu dambayntii waa la qabtay oo waa la dilay. Waxa yaab noqotey warqad laga helay jeebkiisa waxa ku qornaa “waan ogahay in la diley waalidkey, walaalladey, caruurtaydii, iyo xaaskaygiiba, balse waxa aan rajjo buuxda ka qabaa in ay dabaqadaha hoose iyo dhexe kor usoo kici doonaan oo xasillooni dhaqaale ka abuurmi doonto waddankeenna gudihiisa”.
Qeybta labaad:- 18-36 bilood
Qofku marka uu u dhexeeyo da’da (18-36 bilood),waxa uu
ogaanaya in uu jiro qof labaad oo caalamkan hooyadii ku weheliyaa “waa
aabbihiiye”, waxa uu dareemayaa in ay jirto noloshiisa wax uu maamuli karo oo
ka madax bannaan maamulka hooyadii “ Autonomous”; sida in uu saxarada iyo
kaadida haysan karo xilliga uu doonona khashin saarka jidhkiisa sameyn karo, in
uu fadhiisan karo, iyo in uu iskii u istaagi karo isaga oo aan cidna maamuleyn,
balse aanuu maamulkani ku filneyn oo mar mar khalad gali karo isagoo xishood
iyo shaki dareemaya “shame and doubt”.
Haddaba isku dheelli tirnaanta madax bannaanidaa uu dareemayo “Autonomous” iyo marka uu khalad galo xishoodkaa iyo shakigaa “shame and doubt” uu dareemayo ayaa maskaxdiisa saameyn ku yeelata. Marxaladdan haddii uu ad adkaan kala kulmo waalidka waxa uu noqonayaa qof toosan oo wax walba sidiisa uu qabta, shay walbana dhawr jeer hubiya sidii qof shakisan oo kale, waana xanuun nafsi ah “obsessive compulsive disorder”. Haddii uu dhinaca kale noqdo qof madaxbannaani badhax tiran wada helay oo waalidku aanuu mar mar khaladka ku ciqaabeyn waxa uu noqonayaa dantii mooge wax walba dheyelsada, oo aan ka fikiran cawaaqibta ka iman karta waxa uu falayo waayo markii uu yaraa lama tusin khaladaadka iyo cawaaqibta ay leeyihiin; sida carruurta iyagoo lix jir ahaan kaadida ceshan karin. Isku dheelli tiranka labadan xaaladood waxa ay qofka dhaxalsiiyaan in uu noqdo qof go’aan iyo wax qabad leh “will and determinant”.
Qeybta saddexaad:- (3-6 sano)
Qofku marka uu u dhexeeyo da’da(3-6 sano), waxa uu
ogaanaya in ay jiraan dad kale oo aan hooyo iyo aabbo aheyn, waxa uu isku
dayayaa in uu macno u helo farqiga u dhexeeya hooyo iyo aabbo, lab iyo dheddig.
Waxa ay maskaxda ilmaha yar ka fikiraysaa in ay jiraan muuqaal jidheed
“physical appearance” u dhexeeya ragga iyo dumarka, kaddib waxa uu isku dayayaa
kan uu yahay maahee in uu kan kale u dhawaado si uu jawaabtiisi fasiraad ugu
helo, hooyadii ayuu ka jeclaanayaa aabbihii , waxa uu isku deyayaa mar kasta in
uu meesha ka saaro aabbihii, ugu dambeyn waxa uu baqdin ka qaadaya aabbihii
isaga oo ka fikiraya in uu dumareeyo oo xubinkiisa taranka ka jaro, sida uu
hooyadiiba hore u ga jaray (waa qaab fikirka ilmaha yar e wakhtigaa), waxana la
yidhaa “castration fear”. Kadib ayuu
wiilku ogaanaya in ay jiraan dad ka geddisan oo dumar la yidhaa baahina uu u
qabo “aedipus complex”, halka ay habluhuna ogaanayaan in ay jiraan dad ka
geddisan oo rag la yidhaa baahina ay u qabaan “elecrta complex”. Waxa uu ilmaha
yari bilaabayaa in uu u dhaqmo sidii duulkaa ay isku jaalka yihiin ee ina rag,
kadib waxa aad arkeysaa isaga oo kubbad ciyaaraya amma qori wata oo iska
dhigaya in uu dagaal galayo, halka ay habluhuna bilaabayaan in ay isku
ekaysiiyaan duulka kale ee ay isku jaalka yihiin iyaga oo bilaabaya in ay
caruusad xambaaraan oo ay yidhaahdaan waa ilmahaygii oo anaa dhalay.
Marxaladdan waxa
qofka maskaxdiisa ku loolamaya in uu wax walba gaar la noqon karo oo uu
hal-abuur carruureed yeelan karo “initiative”, halka marka uu khaldamo uu sii
garanayo isla markaana uu dareemayo in uu khalad galay ciqaabina ay ku dhici
doonto dambigaas uu galay awgii “Guilt”. Dheelli tiranka ka dhexeeya hal-abuur
carruureedkaas
“initiative” iyo dambiga uu dareemayo marka uu khalad galo
“Guilty” waxa uu ka dhaxlayaa ilmaha yari dhiirri galin iyo in u jeeddo wax
walba loo sameeyo “purpose and courage”.!
Qeybta afaraad:- (6-12 Sano)
Qofku marka uu u dhexeeyo da’da (6-12 Sano). waa da’da
carruurta lagu geeyo iskuulka “school age”, waxa uu usoo baxayaa dhinicii
bulshada oo indhaha u furaysa. waxa uu bilaabayaa ilmaha yari in uu tartan
dhinac walba ah la galo ficiisa, haddey noqota xagga ciyaaraha bulshada e
carruurta iyo xagga aqoontaba oo uu mar kasta muujinayo dedaal si uu uga
sarreeyo qayrkii “industrious” haddii uu ku guuleysan waayo loollankaa waxa uu
dareemayaa hooseyn
“inferiority”. Isku dheelli tiranka ka dhexeeya dedaalka
ilmaha yar ee wakhtigan iyo hooseynta uu dareemayo haddii uu ku guuleysan
waayo, waxa jaan goyneya saddexdii marxaladood ee hore sida loo soo
barbaariyey.
Tusaale ahaan; qofka marxaladdiisii koobaad si wacan loo daryeelay oo waalidkiisii aaminay, isla markaana rajjo xoog badan haysta, marxaladdii labaadna kasoo faa’idey in uu go’aan iyo wax qabad yeesho, tii saddexaadna ka watta dhiirri galin iyo u jeedka wax walba loo sameeyo, way adagtahay sida uu ku niyad jabo xattaa haddii uu dhawr jeer guul darreysto, waayo dhinaca togan ayaa noloshiisii hore xoog badneyd. Halka qofka dhinaca tabani ay noliishiisii hore xoogganeyd uu dareemayo niyad jab iyo in aanu mar dambe waxan isku dayi karayn haddii uu markii hore ku guuleysan waayey. Ugu dambeyn haddii uu dhinaca togan ilmuhu u carbismo marxaladdan waxa uu ka dhaxlayaa dareen ah xirfad u gaar ah iyo isku filnaansho “skill and competence”
Qeybta shanaad:- (13-18/20 Sano)
Qofku marka uu u dhexeeyo da’da(13-18/20 Sano), waa da’da
badanaa ay ku qaan-gaadhaan carruutu, waana xilliga ugu saameynta badan barbaarinta
caruurta. Wakhtigan waxa uu raadinaya ilmaha yari cidda uu noqon lahaa
mustaqbalka, iyo halka uu bulshada ka gali lahaa “identity and role confusion”,
waxa uu raadinaya cid nolosha meeqaam sare ka gaadhey, sida ay isaga ula
muuqato. In badan waalidka ayey isku dhacayaan isaga oo saluugsan qaabka uu
waalidku u dhaqmo, isla markaana xaqiiq ka dhigtey in ay jiraan dad gaadhey
boos aaney waalidkii gaadhin.
Waxa isugu biiraya xogo uu TV-ga ka dheehday, warar uu
asxaabtiisa ka maqlay, iyo xaaladda ay ku suganyihiin dadka uu is leeyahay meel
wacan ayey nolosha ka gaadheen ee qoyskiisa. Mar waxa uu jeclaanayaa in uu
noqdo dhakhtar sida hebelkii uu maqlay amma uu arkay oo kale, mar wuxa uu
jeclaanayaa ciyaartooy uu ka arkey TV-ga markaasuu sidiisa u xiiranaya, mar
waxa ay jeclaaneysaa fannaanad markaas ayey sideeda u labbisanaysaa. Waxaas oo
dhan waa khal-khalka ku jira doorashada mustaqbalka qofka iyo cidda uu yahay,
waana wakhtiga ugu badan ee dhallin yartu kala raacaan diimaha maan-gaabka ah,
ee xagjirnimada ku baaqaya.
Ujeedadu kaliya waa in uu qofku is muujiyo oo uu qeexo halka uu bulshada kaga jiro “pear pressure”. Haddii uu ilmuhu si togan uga boxo marxaladdan waxa u fududaaneysa in uu kuwa dambe si fudud ula jaan qaadi karo, waxana uu ka dhaxlayaa marxaladdan daacadnimo iyo ballan wanaag “loyalty and devotion”!
Qeybta lixaad:-(20-40Sano)
Da’da u dhexaysa “20-40Sano”, caalimka kasmo nafeedka eric Ericson waxa uu ku tilmaamayaa wakhtigan in uu qofku mustaqbal dhisayo oo uu raadsanayo ciddii la wadaagi laheyd nolosha, waxa uu isku deyayaa in uu xidhiidh iyo saaxiibtinimo sameeeyo“intimacy”, laga yaabaa haddii uu qofku ku guuleysan waayo xidhiidhkaa in uu iska noqdo qof kali u nool “isolated”, balse haddii ay marxaladihiisi hore tognaayeen waxa laga yaabaa in uu isku dayo soo celinta xidhiidhkaa u waayey markaa hore. Caalimkani waxa uu sheegaa lix qodob oo lammaanaha guuleysta lagu garan karo, isla makaana caruurtooda ku barbaarin kara kasmo nafeed togan.
Genital utopia:-
Qeybta toddobaad: 40-60Sano
Marxaladdani
waa da’da u dhexaysa “40-60Sano”, waxa la sheegaa in ay tahay wakhtiga uu qofka
korniinka caqligiisu dhameys tirmo waayo waxa uu bilaabaya in uu daryeelo
carruurtiisa, iyo dhammaan bulshada isaga oo caawinaya isla markaana talo
siinaya. Xaaladdan waxa ku loolamaya qofka
naftiisa in uu
noqdo qof dhibir san oo daryeela reerkiisa, iyo bulshadiisaba
“generativity”
iyo in uu noqdo qof ku ad adag oo ku qallafsan reerkiisa iyo
bulshadaba
isla markaana aan ogoleyn in uu u dhibirsanaado “stagnation”.
Labadan
xaaladood ee dhibirsanaanta iyo ad adeygu waa natiijo ka
timiddey
marxaladihii hore ee noloshiisa sida looso barbaariyey. Tusaale
ahaan waxa aad
arkeysaa qof weyn oo dhallinyarta jecel, talo siinaya, la
qoslaya oo u
sheekaynaya, iyo qof kale oo ka diiqadoonaya isla markaa uu arkona hanjabaad
iyo canaan dhagaha kaga qaadaya.
Waxa keliya ee
ay ku
kaa duwan yihiin ayaa ah in ay si togan iyo si taban usoo kala barbaareen labadan qofi. Maxsuulka ugu
dambeeya ee qofku ka helayaa marxaladdan
waa daryeelid “Care”. Jaceylka oo ahaa marxaladdii tan ka horreysay waxa
ay ku kala
duwan yihiin in qofka aad jeceshahay aad ka sugaysid fal celin
“feedback” ah
in uu isna ku jecelyahay, haddii aad fal celintaa ka waydona
waxaaba dhici
karta in aad kala xanaaqdaan, balse daryeelka wax fal celin
ah kaama sugayo qofka ku daryeelayaa sida waalidkaa oo kale.
Qeybta siddeedaad: 60 ilaa dhimasho
Marxaladdan waa ta ugu dambeysa waxa ayna ka bilaabantaa 60 jir illaa inta uu qofku ka dhimanayo. Waxa ugu badan ee saameynta ku lihi waa sida uu qofkani usoo qaatey noloshiisii dhallin yarnimo, haddii uu si togan ugasoo baxay waxa uu noqonayaa qof dhameys tiran oo dadka oo dhan jecel “integrity”, geerida aan ka biqin waayo waxa uu hubaa in ay noolyihiin ubadkiisii iyo dadkii uu jeclaa, lidkiisu waa qofka noloshiisi hore kusoo barbaarey dhinaca taban, waxa uu noqonayaa qof quus taagan oo geerida ka naxsan, isla markaana adduunka u arka meel kharriban, jecelna in dadkoo dhami ka dhammaado “despair” waayo waxa uu kusoo qaatey noloshiisi hore barbaarin kala dhantaalan oo aan dhameys tirney. Marxaladdan qofka dhinaca togan ka qaabiley waxa uu ka dhaxlaa xikmad “wisdom” uu kaga badbaado quusta, kuna jeclaado geerida!
Waxa uu kusoo
gabagabeynayaa caalimkan kasma nafeedka ee eric Ericson “In dadka waaweyn ee
aan ka biqin geerida, aanay caruurtooduna ka biqin nolosha, halka uu tilmaamayo
in noloshu ay ka bilaabano dhabta hooyada, haddii aad halkaa khibrad wacan ka
hesho, ay hubaal tahay in aad dhabta
lammaanahaagana ka helaysid khibrad wacan, taas oo kuu fududeynaysa in aad dhabta aakhiro iyo la kulanka Allena ka helayshid khibrad wacan”!!!
DHAMMAAD
W/Q: Eric Ericson
W/T: Siddiiq Cabdillaahi



إرسال تعليق